Madaxweyne Trump oo canshuur ahaan u bixiyay 750 doollar muddo 2 sanno ah

91
Trump oo diiday inuu ballan qaado in si nabad ah xilka ku wareejiyo. BBC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bixiyay kaliya $ 750 doollar oo ah canshuurta dakhliga federaalka labadaba 2016-kii, sanadkii uu u tartamay madaxtinimada Mareykanka, iyo sanadkiisii ​​ugu horeeyay ee Aqalka Cad, sida uu daabacay Wargeyska New York Times.

Wargeysku – oo sheegaya inuu helay xogta canshuurta ee Mr Trump iyo shirkadihiisa in ka badan labaatan sano – wuxuu kaloo sheegay inuusan bixin wax canshuur dakhli ah haba yaraatee 10 ka mid ah 15 sano ee la soo dhaafay.

Xogta ayaa muujinaysa “khasaarooyin daba dheeraaday iyo sanado badan oo canshuur uusan bixin”, ayay tiri.

Mr Trump ayaa ku tilmaamay warbixinta “warar been abuur ah”.

“Xaqiiqdii waxaan bixiyay canshuur. Waadna arki doontaa in isla marka canshuurteydu soo noqoto – ay ku socoto baaritaan, muddo dheer ayay baarayeen,” ayuu u sheegay warfidiyeenak kadib markii warbixinta la daabacay Axadii.

“IRS [ Waaxda Adeegga Dakhliga Gudaha] ee Mareykanka si wanaagsan iima dhaqmayaan… si xun ayay iila dhaqmaan,” ayuu yiri.

Mr Trump ayaa wajahay culeysyo dhanka sharciga ah oo uu ku diiday inuu la wadaago dukumiintiyada la xiriira hantidiisa iyo ganacsigiisa. Waa madaxweynihii ugu horreeyay tan iyo sanadkii 1970-yadii ee aan soo bandhigin canshuur celintisa, in kasta oo taasi uusan sharcigu u baahnayn.

Wargeyska New York Times ayaa sheegay in macluumaadka ku jira warbixintooda “ay bixiyeen ilo si sharci ah looga heli karo”.

Warbixinta ayaa timid maalmo un ka hor dooddii ugu horreysay ee madaxweynenimo ee Mr Trump iyo ninka la tartamaya ee Joe Biden oo ka tirsan xisbiga dimuqraadiga iyo toddobaadyo ka hor doorashada dhacaysa 3-da bisha Nofeembar.

Wargeyska New York Times ayaa sheegay in ay dib u eegis ku sameysay canshuur celinta la xiriirta madaxweyne Trump iyo shirkadaha uu leeyahay hay’ada Trump ee dib ugu laabaneysa 1990-yadii, iyo sidoo kale dib u soo celinta canshuura ee isaga shaqsiyan looga raba ee 2016 iyo 2017.

SHARE