Madaxweyne Trump oo booqasho saddex maalmood ah uga bilaabatay UK

410
Madaxweyne Trump ayaa booqasho saddex cisho ah uga bilaabatay UK. Sawirka: Reuters

London – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa gaaray magaalada London ee dalka Uk halkaasi oo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo saddex maalmood ah.

Madaxweyne Trump oo ay wehliso xaaskiisa Melania Trump ayaa waxa si ramsi ugu soo dhaweeyay qasriga Boqortooyada ee Buckingham Boqorada UK Queen Elizabeth iyo xubno ka tirsan qoyska Boqortooyada.

Madaxweyne Trump ayaa inta uu ku guda jiro booqashadiisa rasmiga ah ee saddexda cisho ah wadahadalo la yeelan doono Ra’iisul Wasaaraha xilka ka degaysa Theresa May. Waxaa la filayaa in ay ka wadahali doonaan arrimo ay ka mid yihiin isbedelka cimilada iyo shirkadda tiknooloojiyadda Shiinaha ee Huawei.

Trump ayaa inta uusan soo caga dhigan ka hor, waxa uu dhaliilay Duqa mayaalada London Sadiq Khan, kaasi oo dhawr mar hore ay hadallo kulul is dhaafsadeen.

Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ku tilmaamay Mr Khan – ” qof Guuldareystay ayna tahay inuu wax ka qabto falal dambiyeedyada ka dhaca magaalada London, ee uusan isaga ku mashuulin.

Duqa magaalada London Sadiq Khan ayaa horey u sheegay in UK ” aysan roog cas u dhigi doonin” mr Trump.

Madaxweyne Trump iyo xaaskiisa ayaa sidoo kale booqan doono kaniisada Westminster Abbey iyagoo la kulmi doono Amiir Charles iyo qoyskiisa.

SHARE