Madaxweyne Trump oo aqbalay inuu la kulmo Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi

658
Sawirka : AFP

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa aqbalay inuu la kulmo hoggaamiyaha Kuuriyada waqooyi Kim Jong-in dhamaadka bisha May ee sannadkaan, kaddib bilooyin ismari diblomaasiyadeed ah, warbaahinta ay ku marinayeen hadalo kulkul labada nin.

Kulankaan ayaa noqonayaa kii ugu horreeyay ee u dhaxeeya Madaxweyne Maraykanka iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, kaasi oo horseedi kara horumar weyn oo dhanka xiriirka diblomaasiyada ee labada dhinac.
Warkaan ayaa waxaa shaaciyay sarkaal sare oo tirsan wafdi Kuuriyada Koonfureed ah kaddib markii ay Aqalka Cad kula Kulmeen Madaxweyne Trump kuwaasi oo farriin uga siday hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay inuu aqbalay casuumaada sida uu ku shaaciyay farriin uu soo dhiggay bartiisa Twitter-ka.

Madaxweyne Trump waxa uu sheegay in horumar wayn la gaaray balse cuna qabataynta saaran Kuuriyada Waqooyi ay sii jiri doonto ilaa inta laga gaarayo heshiis.

Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in ay joojinayso kordhinta barnaamijka hubka Nuyuukleerka iyo tijaabinta gantaallaha inta wadahadalladu socdaan.

Ilaa iyo hadda la shaacinin halka ay ku kulmi doonaan hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi iyo Madaxweynaha Mareykanka balse sida ay ku tabinayaan warbaahinta waxaa la rumaysan yahay in ay ka dhici doonaan aagaga militeriga ka caagan ee u dhexeeya labada Kuuriya.

Kulankaan la filayo inuu dhexmaro hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi iyo Madaxweynaha Mareykanka ayaa waxa door muhiim ah oo diblomaasiyaadeed ka ciyaar Kuuriyada Koonfureed oo dadaal badan gelisay in ay wadahadalaan laba dhinac.

SHARE