Madaxweyne Qoorqoor oo warbixin siisay Golaha Aqalka Sare

501
Maxamed Xuseen Rooble ayaa loo magacaabay Raiisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya, waxa uu beddelaya Xasan Cali Khayre. Sawirka: Villa Somalia

Muqdisho – Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta kulan kula yeeshay xarunta Golaha Aqalka Sare Guddoonka Aqalka Sare iyo Guddiga joogtada ah.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa markii uu tagey xarunta Aqalka Sare waxaa ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo ku xigeennadiisa

Madaxweynaha Galmudug ayaa kulamada kaddib khudbad u jeediyey xubnaha Golaha Aqalka Sare isagoo warbixin guud ka siiyay xaaladaha siyaasadeed iyo amni ee ka jara deegaanada Maamulka Galmudug tan iyo markii la doortay.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa si gaar ah uga hadlay arrimaha dib u heshiisiinta ee ka Galmudug iyo sida maamulkiisa u xaliyay tabashooyinkii ka jjray Galmudug ee ka dhashay Doorashadiisii.

Waxaa uu sidoo kale ka hadlay marti gelintii Shirarkii Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad Goboleedyada ee lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee arrimaha kala duwan looga hadlay.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa ugu dambeyn faahfaahin ka bixiyay shirka hadda uu ka qeybgalayo ee dhexeeya Madaxweynaha dowladda Federaalka iyo madaxda Maamul Goboleedyada dalka ee diirada lagu saarayo arrimaha Doorashooyinka dalka, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in wax wanaagsan ay ka soo baxaan qoddoda loo fadhinaya labada dhinac xal la gaaraan.