Muqdisho – Madaxweynaha Dowladda Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa dalkaTurkiga ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Galmudug ayaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyey Guddoomiye ku xigeenada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka iyo xubno ka tirsan Maamulka Galmudug.
Magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in uu dhawaan ka furmo shirkada Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada kaasi looga wadahadlayo arrimaha Doorashooyinka iyo caqabadaha ku horgudban.
Waxaa horey ugu sugnaa maagalada Muqdisho Madaxda dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland iyo Hirshabeelle iyadoo la sugayo in maalmaha soo socda uu soo gaaro Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagaren.