Madaxweyne Putin oo xilka loo dhaarinayo maanta

935
Madaxweyne Putin markii afraad ayaa maanta xilka loo dhaarinyaa kaddib doorashadii uu ku guuleystay bishii Maarso. Sawirka: Google

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa maanta oo isniin ah loo dhaarinayaa xilka  markii afraad madaxweynaha Ruushka kaddib doorashadii uu ku guuleystay bishii Maarso.

Putin ayaa awooda hayay muddo 18 sanno ah,isaga marna madaxweyne noqoday marna Ra’iisal wasaare. Kooxaha mucaaradka ayaa ku tilmaamay inuu awooda u ka dhigtay sidii boqortooyada oo kale.

Munaasabada caleema saarka madaxweyne Putin ayaa ka dhacaysa Aqalka Kremlin ee magaalada Moscow. Booliiska rabshadaha ka hortaga ayaa heegan la geliyay si ay uga hortagaan dibadbaxayaal laga cabsi qabo in ay isoo soo baxaan oo ka soo horjeeda caleema saarka madaxweyne Putin.

Mr Putin, oo 65 jir ah, ayaa la filayaa inuu afarta sano ee socota uu noqdo madaxweynaha Ruushka marka maanta loo dhaariyo xaafiiska.