Madaxweyne Putin oo oo dib looga tallaalay COVID-19

34
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin: Reuters

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa dib looga tallaalay xanuunka COVID-19, wakaaladaha wararka ee Ruushka ayaa ka soo xigtay Axadii.

Putin wuxuu sheegay bishii Juun 2021 in uu qaatay tallaalka Sputnik V.

“Maanta, waxaan qaatay tallaal kale, Sputnik Light. Tan waxaa lagu magacaabaa dib u tallaal,” Putin ayaa ka sheegay kulan uu la yeeshay agaasime ku xigeenka Xarunta Cilmi-baarista Gamaleya, oo soo saartay labada tallaalba.

SHARE