Madaxweyne Mugabe oo loogu baaqay inuu iscasilo

843
Madaxweyne Mugabe ayaa waxaa caadis uga imaanaya xisbigiisa Zanu-PF inuu iscasilo Sawirka/ EPA/ The Herald

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Zimbabwi ,kaasi oo xilka qaadistii ay horseeday in Militariga dalkaasi ay xukunka la wareegaan ayaa igu baaqay Madaxweyne Robert Mugabe inuu si degdeg ah isku casilo.

Emmerson Mnangagwa ayaa dalka dibadiisa u cararay laba isbuuc ka hor markii uu sheegay in uu ogaaday in la dilo rabo, waxa uuna sheegay in uusan dalka ku soo laaban doonin ilaa uu dabaanad qaad amnigiisa ah uu helo.

Xisbiga talada dalka Zimbaabwi haya ee Zanu-PF ayaa la filayaa in ay baarlamaanka waddaanksi ka bilaabi doonaan in ay dambi ku ogaan si xilka looga qaado Madaxweyne Mugabe.

Mr Mugabe ayaa lagu eedeeyay in u ogaaladay Xaaskiisa Grace Mugabe in ay awoodda dalka la wareegto.

Madaxweyne Robert Mugabe ayaa diiday inuu iscasilo kaddib markii xubnaha igu sareeya xisbigiisa Zanu-PF iyo sarakiisha Malitariga ay u soo jeediyeen inuu iscasilo si dalka looga badbaadiyo xasaraha siyaaseed. Waxaa cadaadis xoogan uga imaanayaa dadweyna  xisbigiisa Zanu-PF oo dalbanya inuu awoodda baneeyo.

Lama oga waxa ay ku dambayn doonto xaalada dalka Zimbabwi iyo inuu Madaxweyne Robert Mugabe xilka iska casili doono.

SHARE