Madaxweyne Macron oo martigelinaya shir uu la yeelanayo dibadbaxayaasha Paris

640
Madaxweynaha Faransiiska Macron ayaa martigelinaya shir uu la yeelanayo dibadbaxayaasha Paris. Sawirka: EPA

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa lagu wadaa inuu la kulmo ururada ganacsatada iyo shaqaalaha, si loo baajiyo toddobaadyo deganaansho la’aan iyo dibadbaxyo ka socday magaalada Paris iyo magaalooyinka kale.

Kulankaan ayaa imanaya ka hor khudbad Telefishinka ka jeedino Madaxweyne Macron taasi oo la filayo inuu uga dhawaaqo tallaabooyink looga jawaabayo arrintaan.

Faransiiska ayaa waxa ka dhacayay afar toddobaadk oo dibadbaxyo rabshada wata oo looga soo horjeedo canshuurara shiddaalka ee la kordhiyay iyo maciishada noloshada oo kor u kacday.

Ugu yaraan 136,000 oo dibadbaxayaal ah oo “jaakadaha-hurdiga xiran” ayaa isugu soo baxay waddooyinka sabtidii. In ka badan 1,200 qof ayaa xabsiga la dhigay.

Dibadbaxyada ayaa si wayn u sameeyay magaalada caasimadda ee Paris, daaqado la jajabiyay, baabur la gubay iyo tukaamada, iyadoo 10,000 qof ay ka qeybqaateen mudahoraadyada.