Muqdisho – Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagaren oo toddobaayadii la soo dhaafay ku sugnaa dalkaTurkiga ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde waxaa ku soo dhaweeyey, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka iyo xubno ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed.
Magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in uu dhawaan ka furmo shirkada Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada kaasi looga wadahadlayo arrimaha Doorashooyinka iyo caqabadaha ku horgudban.
Waxaa horey ugu sugnaa maagalada Muqdisho Madaxda dowlad Goboleedyada Puntland Jubaland,Hirshabeelle iyo Galmudug.
Madaxweyne Farmaajo ayaa iclaamiyay 20kii bishaan shir ay isagu imaanayaan Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada 22ka bishaan Maarso.