Madaxweyne Laftagareen oo la kulmay wafdi uu hoggaaminayay Wakiilka QM ee Soomaaliya

55

Baydhabo – Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Xarunta Madaxtooyada magaalada Baydhabo kulan kula qaatay Wafdi uu Hogaaminayey ergeyga Qaramada Midoowey u qaabilsan Arimaha Soomaaliya James Swan ay qeyb ka ahaayeen Wafdiga Wakiilada Midowga Yurub Nicolas Berlanga,Midowga Africa Francisco Madeira iyo IGAD Jamaal Xaaji Axmed.

Kulanka ayaa looga hadlay arimaha Doorashooyinka,Xiriirka Dowlada Federaalka iyo Dowlada koonfur Galbeed,Xoojinta Amniga Xiliga kala guurka, Arimaha Gargaarka iyo ka hortaga Cudurka Fayraska Corona.

Wakiilada ka kala Socday Besha Caalamka ayaa Bogaadiyey Doorka Madaxweyne Cabdicasiis lafta gareen ku lahaa qabsoomida Shirkii looga hadlayey Arimha Doorashooyinka ee u dhaxeyey Madaxda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ee bishii September heshiis loo dhanyahay laga gaaray sido kale Madaxda ayaa Amaanay Dadaalada uu ku bixinayo Madaxweynaha Wanaajinta Xiriirka Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada si looga miradhalo Hiigsiga Shacabka Soomaaliyeed oo ah Hormar iyo Amni Sidoo kale wafdiga ayaa Madaxweynaha kala hadlay sidii loo xaqiijin lahaa Amniga Goobaha la qorsheeyey inay Doorashada ay ka dhacdo.

Ergeyga Qaramada midoobay u qaabilsan Arimaha Soomaaliya James Swan oo ay shir jaraa’id si wadajir u wadda qabteen Madaxweyne Laftagareen hadlay ayaa ku bogaadiyay Madaxweynaha Laftagareen
hannaanka Wanaagsan ee uu ku lahaa Markii ay kulmeen Madaxda Dowlad Goboledyada Iyo DFS iyo kulamadooda wixii kasoo baxay hanaanka Doorasho ee Waqtigeeda ku saleeyan.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa sheegay sidoo kale kulanka uu laqaatay Wakiilada Beesha Caalamka inuu ahaa mid looga hadlayey Dardargelinta Heshiisyadii Muqdisho lagu so gebigebeyey ee ahaa Arimaha Doorashooyinka sidii Waqtigeeda uqabsoomi lahayd.

SHARE