Muqdisho – Waxaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho madaxweyne ku xigeenka Bangiga Aduunka ee Afrika Xafez Chanem, oo safarkii ugu horreyay ku yimid Soomaaliya.
Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Aduunka ee Afrika ayaa waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaraha ee magaalada Muqdisho Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo xubno ka tirsan Wasaaradda.
Mr Hafez Ghanem iyo wafdigiisu ayaa markii uu soo gaaray magaalada Muqdisho
Waxa ay ugu horeyn shir gaar ah la qaateen Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda, kaddibna waxaa uu xariga ka jaray isaga uu wehliyo wasiirka Maaliyadda Xafiiska cusub ee Bangiga Aduunka Qeybtiisa Soomaaliya.
Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Aduunka ayaa sidoo kale kulan kula la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wasiirka Maaliyadda oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda.
Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha deyn cafinta iyo qorshayaasha dhaqaale, Maaliyadeed ee dib u habaybta ee dalka.
Hafez Ghanem madaxweyne ku xigeenka Bangiga Aduunka Aduunka sheegay I uu aad ugu faraxsan yahay inuu booqasho taariikhi ah ku yimaado Soomaaliya si uu u arko horumarkaka dhaqaale iyo amni ee dowladda Soomaaliya ay samaysay.
Waa booqashadii ugu horreysay uu madaxweyne ku xigeenka Bangiga Aduunka ee Afrika ku yimaado Soomaaliya, waxa uuna sheegay in Soomaaliya ay maanta taagantahay meel aad u sareysa marka loo eego kalsoonida Caalamka.