Madaxweyne ku xigeenka Afghanistaan oo Qarax lala eegtay

519
Madaxweyne Ku Xigeenka Afghanistaan Oo Qarax lala Eegtay. Reuters

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhimatay qarax ka dhacay caasimadda dalka Afghanistaan oo lala beegsaday Madaxweyne ku xigeenka Afghanistaan Amrullah Saleh. Qaar ka mid ah ilaaladiisa ayaa ku dhintay weerarka.

Amrullah Saleh oo horay u ahaa taliyihii Heyadda sirdoonka ayaa ka badbaaday qaraxa isaga oo ay soo gaareen dhaawacyo fudud oo wajiga iyo gacanta ah.

Weerarkaan ayaa imaanaya iyadoo dowladda Afghanistaan iyo Taalibaan ay diyaargaroow ugu jiraan wadahadaladii ugu horreeyay ee dhexmara labada dhinac oo ka dhacaya magaalada Dooxa ee dalka Qadar.

Amrullah ayaa lagu yaqaan in uu si weyn uga soo horjeedo kooxda Taalibaan, hase ahaate kooxda Taalibaan ayaa iska fogeysay eedda weerarka oo ay beeniyeen inay fuliyeen.

Madaxweyne ku xigeenka Afghanistaan oo gacanta ka gubtay ayaa wacad ku maray in uu halkiisa ka sii wadi doono hawlihiisa siyaasadeed.