“Waddanku dadka ra’yigiisu in uu cabbiro, danta guudna la illaaliyo, balse dimoqoraadiyadda haddii ay keeneyso jaantaa roggana, waa wax laga cuudu bileysto, wax weli ra’yigiisu lagu xirey anaga ma heyno, qof la dileyna ma hayno, qof la xukumayna ma heyno, haddii uusan isaga ku xad gudbin xoriyadda dadka, malaha marka dibedda loo boxo ayaa masruuf lagu helaa” ayuu yiri Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.
Mar aan wax ka weeydiinay arrimaha dalalka saldhigyada ciidan ku leh Jabuuti, ee danahooda is diidanyihiin ayuu yiri “Marka ay dalalkooda joogaan dalalkan waa heshiis, halkan ma jirto sabab ay ku dagaalamayaan”.
Dhanka kale Madaxweyne Ismaaciil ayaa ka hadlay dacwad u dhaxeysa dowladiisa iyo shirkadda dekedaha ee DP World, taas oo dowladda Jabuuti ay ka wareejisay maamulka dekada Dooraale.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Jabuuti ay leedahay saamiyada ugu badan shirkadda, ayna arkeen shirkadda DP World aysan ka shaqaynaynin danaha dekedaha Jabuuti, sidaasna ay ula wareegeen maamulka.
Balse waxa uu intaas ku daray “Waan u ogolnahay saamigoodiii, balse waa in la’isu ixtiraamaa sida loo kala saami badanyahay”