Madaxweyne Geelle oo la kulmay Erdogan

839

(UM) – Madaxweynaha Turkiga Recap Tayyip Erdogan ayaa la  kula kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Cismaaciil Cumar Geelleh oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Turkiga.

Kulankooda ka hor, Madaxweyne Erdoğan ayaa ku soo dhaweeyay Madaxweyne Geelleh.

Kaddib markii loo ciyaaray heesaha calanka ee Jabuuti iyo Turkiga ayaa Madaxweyne Geelleh waxa uu salaan sharaf ka qaatay ciidamada bambayda, waxana loo galbiyay qasriga madaxtooyada halkaas oo uu kulamo kala qaadan doono Madaxweyne Erdogan.