Madaxweynihii hore ee dalka Peru Alan Garcia ayaa geeriyooday kaddib markii uu gacantiisa isku toogtay ka hor inta aysan imaan booliiska oo doonayay in ay u xiraan eedo la xiriira musuqmaasuq.
Madaxweynihii hore ayaa loo la cararay isbitaalka halkaas oo uu ku geeriyooday sida uu xaqiijiyay Madaxweyne ku xigeenka Peru Martin Viscara.
Wasiirka arrimaha gudaha Peru Carlos Moran oo ka waramayay sida ay wax u dhaceen ayaa sheegay in Madaxweynihii hore uu booliiskii loo diray ka codsaday in uu qof wacdo kaddibna inta qolka galay hal mar la maqlay dhawaqa xabad, taas oo keentay in booliiska ay xoog ku furaan qolkii uu galay iyaga oo arkay Madaxweynihii hore oo ku dul fadhiya kursi isaga oo madaxa ay xabbadi kaga taallo.
Taageerayaasha Madaxweynaha hore ayaa iskugu soo baxay afaafka hore ee isbitaalka iyada oo booliskuna uu dib u celiyay.
Madaxweyne Garcia oo hayay talada dalkaas sanadihii 1985 ilaa iyo 90 mar kalena ku guuleeystay talada dalkaas intii u dhaxeysay 2006 ilaa iyo 2011 ayaa wajahaya eed musuq oo la xiriirta laaluush uu ka qaatay shirkad dhanka dhismaha ah oo laga leeyahay dalka Brazil.
Shirkadda Odebrecht ee dalka Brazil ayaa qirtay in ay lacag gaareeysa 30 Milyan oo dollaar u bixisay si ay u hesho qandaraas la xiriira dhismaha waddada tareenka dhulka hoos mara oo laga dhisayay dalka Peru.