Madaxweyne Farmaajo oo xilkii ka qaaday Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka

85

Muqdisho – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Xeer Ilaaliyihii Guud ee hore Axmed Cali Daahir.

Wareegto ka soo baxday Xaafiiska Madaxweynaha ayaa Garyaqaan Suleymaan Maxamed Maxamuud loogu magacaabay xilka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya.

Magacaabistan ayaa ku timid soojeedintii Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JFS Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed, baahida loo qabo in la dardargeliyo hawlaha dib u habeynta garsoorka iyo xaqiijinta hannaan cadaaladeed oo hufan oo ka dhaqangala guud ahaan dalka, sida lagu xusay qoraalka Wareegtada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa faray Xukuumadda, una jeediyay Hay’adaha Sharci-dejinta in ay soo dhameystiraan Golaha Adeegga Garsoorka, lana waafajiyo Dastuurka Kumeel Gaarka ah iyo Xeerarka khuseeya dhismaha Golahan, si loo dhammeystiro dib u habeynta garsoorka iyo hannaanka cadaaladeed ee dalka.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmaya Xeer Ilaaliyaha Guud ee la magacaabay in uu waajibaadkiisa shaqo u guto si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla, uuna shacabka Soomaaliyeed ugu adeego si hufan oo caddaaladi ku dheehantahay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Xeer Ilaaliyihii hore ee Qaranka JFS Axmed Cali Daahir shaqadii uu u soo qabtay dalka iyo dadaalkii uu muujiyey muddadii uu ahaa Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

SHARE