Madaxweyne Farmaajo oo xilkii ka qaaday Guddoomiyaha Maxkamadda Sare

1696
Guddoomiyaha xilka laga qaaday Ibraahim Iidle Suleymaan. Sawirka: Villa Somalia

Muqdisho (UM) – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa xilkii ka qaaday Guddoomiyaha maxkamadda sare Ibraahim Iidle Suleymaan, waxa uuna u magacaabay Baashe Yuusuf Axmed.

Sida lagu sheegay war saxaafad kasoo baxay Madaxtooyadda , madaxweynaha oo tixgalinaya cabasho uga timid muwaadiniinta Soomaaliyeed,  hawlwadeenada garsoorka iyo xirfadlayaasha  ee lagu doonayo garsoor caddaalad ah oo hufan ayaa go,aansaday in uu dib u habeeyn ku sameeyo garsoorka.

“Aniga oo ka jawaabaya ballan qaadkeygii ahaa in la helo nidaam garsoor oo ku dhisan hufnaan iyo caddaalad, waxaan maanta xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka u magacaabay Mudane Baashe Yuusuf Axmed. Waxaan Guddoomiyaha cusub u rajeynayaa inuu kasoo dhalaalo hawlaha loo igmaday.” ayuu yiri Madaxweynaha.

Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya ayaa faray golaha shacabka iyo golaha xukuumadda in ay soo dhameystiraan golaha adeegga garsoorska, isla markaasna ay waafajiyaan dastuurka kumeel gaarka ah iyo sharciga dhismaha golaha adeegga garsoorka si dib u habeyn loogu sameeyo  garsoorka dalka.

Hey’adaha garsoorka dalka ayaa aad looga cabtaa , waxaana isbadalka madaxweynuhu noqonayaa kii ugu horreeyay ee uu sameeyo tan iyo intii uu la wareegay xukunka dalka.