Madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya Maxamed cabdullahi Farmaajo ayaa wareegto uu soo saaray maanta xilalkii ka qaaday guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir garsooreAweys Sheekh Cabdullaahi Weheliye iyo garsoore Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe.
Wareegtadaan oo uu soo jeedinteeda lahaa guddoomiyaha maxkamadda sare Baashe Yuusuf ayaa xilkaan loogu kala magacaabay: garyaqaan Muusse Macalin Maxamed oo loo magacaabay maxakmadda gobolka Banaadir.Sidoo kale waxaa isna la magacaabay garyaqaan Abshir Cumar Cabdullahi oo loo magacaabay guddoomiyaha maxkamadda racfaanka.
Magacaabistaan ayaa sida la sheegay qayb ka ah isbadal la doonayo in lagu sameeyo garsoorka dalka oo aad ay dadku uga cawdaan.