Muqdisho – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xilalkii ka qaaday Guddoomiye ku xigeenada Maaliyadda iyo Hawlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Ibraahim Cumar Mahad Alle Ibraahim Dheere iyo Aadan Sheekh Cali Fiidow.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Axmed Xasan Iimaan u magaacabay Guddoomiye Ku Xigeenka Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee Gobolka Banaadir, halka Cumar Cali Cabdi loo magacaabay Guddoomiye Ku Xigeenka Gobolka Banaadir ee Hawlaha Guud.
“Madaxweynaha ayaa markii uu arkay in ay jirto baahi loo qabo in loo magacaabo Gobolka Banaadir K/xigeennada Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda iyo Hawlaha Guud. Markii uu tixgeliyay khibradda shaqo ee ay mudanayaashan xilkan loo magacaabayo u leeyihiin howlaha loo magacaabay waxa uu soo saaray xeerkan.” Ayaa lagu yiri wareegto ka soo baxday xaafiiska Madaxtooyada Soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay labada Guddoomiye K/Xigeen inuu Eebbe u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isaga oo kula dardaarmay inay si hufan u gutaan hawlaha baaxadda leh ee horyaalla,
Waxaa la baabi’iyay xeer kasta oo kan ka horreeyay oo ka hor imaanaya magacaabistan cusub, wuxuuna dhaqangalayaa maanta oo ah Axad, taariikhduna ay ku beegantahay 26ka Abriil, 2020.