Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Midowga Yurub

44

Muqdisho – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee Midowga Yurub ee loo soo magacaabay Soomaaliya Nicolás Berlanga Martinez.

Madaxweyne Farmaajo iyo Danjire Martinez ayaa ka wada hadlay xoojinta taageerada Midowga Yurub ay siiyaan Soomaaliya iyo sidii loo dardargelin lahaa wada shaqeynta labada dhinac, isaga oo u xaqiijiyay in Dowladdu ay si buuxda ula shaqeyn doonto, una fududeyn doonto xil gudashadiisa.

Madaxweynaha ayaa danjiraha cusub ee Midowga Yurub uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee ay la garab taaganyihiin Soomaaliya iyo kaalinta muuqata ee ay ku leeyihiin dib u dhiska Iyo nabadeynta dalka.

Dhankiisa, Danjire Martinez ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu Midowga Yurub danjire uga noqdo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoona ballanqaaday inuu ka shaqeyn doono xoojinta wadashaqeynta labada dhinac.

 

SHARE