Muqdisho (UM) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha danjirino ka guddoomay danjiraha cusub ee dowladda Mareykanka ay dhawaan u soo magacawday Soomaaliya Donald Yamamoto.
Kulanka madaxweyne Farmaajo iyo Ambassador Yamamoto ayaa la sheegay inuu ka dhacay gudaha safaarada Mareykanka oo ku taalla gudaha Xalane.
Madaxweynaha iyo safiirka cusub ee Mareykanka ayaa ka wadahadlay sidoo kale xiriirka fog ee ka dhexeeya labada dal iyo taageerida dowladda Mareykanka ee dhanka amniga iyo xoojinta dowlad wanaaga.
Danjire Donald Yamamoto oo Madaxweyne Donald Trump u soo magacaabay Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya, isagoo beddelayaa danjire Stephen Schwartz oo iska casilay jagada bishii Oktoobar ee sanadkii hore ayaa toddobaadkaan soo gaaray magaalada Muqdisho.