Muqdisho (UM) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee dalalka Turkiga iyo Suudaan ee Soomaaliya.
Danjiraha dalka Turkiga Maxamed Yilmaz ayaa Madaxweyne farmaajo la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday dhiggiisa Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogaan ayaa uga mahad celiyey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta iyo adkeynta xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dal iyo shacab.
Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyey Danjiraha cusub ee dalka Turkiga in uu ku guuleysto gudashada doorka kaga aaddan adkaynta xiriirka dhexeeya labada dal.
Dhanka kale, Danjiraha dalka Suudaan ee Soomaaliya Khalafallaah Mustafa oo Madaxweynaha u gudbiyey waraaqahiisa aqoonsiga ayaa la wadaagay farriin bogaadin iyo salaan ah oo uu uga siday Madaxweynihiisa Mudane Cumar Xasan Albashiiri.
Madaxweyne Farmaajo ayaa danjireyaasha uu warqadaha aqoonsiga ka guddoomay uga warbixiyey sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka kala dhexeeya dalalka Turkiga iyo Suudaan.