Madaxweyne Farmaajo oo ugu Hambalyeeyay ciidanka xoogga Dalka Sanad Guurada 60-aad ee aasaaskooda

580
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo Hambalyo ku aadan sanad Guurada 60-aad ee aasaaska ciidanka xoogga dalka u diray. Sawirka: Villa Somalia

Muqdisho – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay saraakiisha, saraakiil-xigeennada, aliflayda, dableyda, dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo qoysaskooda 60-guurada kasoo wareegtay aasaaskii Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ciidan awood iyo tayo leh ay muhiimad weyn u leeyihiin qarannimadeenna iyo dib u soo nooleynta dowladnimada dalkeenna, sidaas darteedna dowladdu ay qaadday tallaabo muuqata oo ku aaddan tirokoobka, xaqsiinta iyo dib u habeynta Ciidamada Qalabka Sida, gaar ahaan Milatariga.

“Ciidanka Xoogga Dalka waa Astaan Qaran oo aan u qeybsamin qolo iyo qabiil toonna, waxa ayna u taagan yihiin oo loo carbiyey difaaca haybadda Qaranimo. Wali ma joogno meeshii aan rabnay, laakiin dowladdu waxa ay dhaqaajisay qorshe mug weyn oo ku aaddan dib-u-dhiska Ciidan Soomaaliyeed oo tayo iyo tiro leh.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo bandhigay guulaha isdaba joogga ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka soo hooyeen dagaalka argagixisada iyo sida naf-hurnimada leh ee ay uga xoreeyeen degaanno badan oo ay ku dhibaateyn jireen dadkeenna.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey sida uu u sarreeyo hamiga iyo niyadda Saraakiisha iyo ciidamada ku sugan furimaha dagaalka oo ay ka go’an tahay in ay dalka ka xoreeyaan argagixisada caadeysatay daadinta dhiigga shacabkeenna birima-geydada ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku ammaanay Saraakiisha Soomaaliyeed ee ruug-caddaaga ah ee ku sugan dugsiyada Tababarka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee gudaha dalka, si ay aqoontooda iyo khibraddooda u dhaxal siiyaan jiilasha sookacaya.

Madaxweynaha ayaa Alle u baryey dhammaan halyeeyadii Ciidanka Xoogga Dalka ee naftooda u huray amniga, nabadda, Qarannimada iyo karaamada shacabka Soomaaliyeed.

12 April 1960 ayaa aasaasay ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed,waxaana ka soo wareegay 60 sanno oo maanta ku beegan.