Muqdisho (UM) – Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa toddobaadkaan soo xiray shirkii dib-u- heshiisiinta ee ka socday magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad Galmudug.
Shirka dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa waxa uu isku keenay saamileyda kala geddisan ee Galmudug si ay uga heshiiyaan waxyaabihii hore, isla markaana ay uga wadahadlaan xaaladaha nabadgalyo iyo tan siyaasadeed ee maamulka iyo horay u socodkiisaba.
Warka ugu muhiimsan ee shirkaan ayaan ahayn dib-u-heshiisiinta Galmudug, laakiin waa go`aanka geesinimada leh ee uu qaaday Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qaybgalay shirka. Horay Madaxweynuhu ugama uusan qaybgali jirin kulamada nuucaan ah oo uu ka baaqsan jiray, ama waxa uu u diri jiray Ra`iisul wasaaraha oo aan inta badan keeni jirin natiijo wanaagsan.
Hadda ayay u muuqataa in Madaxweyne Farmaajo uu garwaaqsaday in ay shaqadiisu tahay mideynta dalka maadaama uu isagu yahay hoggaamiyaha ugu sarreeya dalka. Ra`iisul wasaaraha dalka ayaa dadaal badan galiyay dib u heshiisiinta Galmudug, hayeeshe dadku si dhab uma dareemayaan ilaa ay ka arkaan Madaxweynahooda oo taageero u muujiyo howlaha socda.
Shirkii uu soo xiray madaxweynu ayaa se u muuqataa in ay dadku ka arkeen Madaxweynaha sida ay uga go`an tahay markii uu soo xiray shirkii muddada tobanka cisho ah ka socday Dhuusamareeb. Haddaba Madaxweynuhu waa in uu halkaas ka sii wadaa oo uu hormuud ka noqdaa howlaha dib-u- heshiisiinta qaran iyo geedi socodka kale ee siyaasadeed ee dalka.
Daqaradii ama dhaawacyadii iyo kala aamin bixi ka dhashay dagaalada sokeeye ayaa ka jira meel badan oo Soomaaliya ah. Taasi si fudud kuma dhammaaneyso maxaa yeelay dadka Soomaaliyeed waxa ay isku geysteen tacadiyo haddii dunida kale loo bandhigo ay aad u yaabi lahaayeen taasi oo aan ahayn wax macquul ah. Dariskii ayaa is dilay, bulshooyin meel wada degganaa ayaa reero u kala qaybsamay, xoolo iyo hantina kala dhacay.
Hadda wixii hore waxaa badalay jihaad beenaad ay wadaan dambiilayaal argagixiso ah taasi oo waddada kaliya oo looga adkaan karo ay tahay midnimo Soomaaliyeed. Dadka Soomaaliyeed waxa ay heystaan Madaxweyne la doortay oo heysta taageero xooggan oo shacab iyo awood dowladdeed oo ay u dheertahay niyad sami ay u hayaan dadka Soomaaliyeed.
In Madaxweynuhu sida Ra`iisul wasaarihiisa oo kale uusan ka qayb ahayn muran kasta oo siyaasadeed waa faa`iido gaar ah oo ka dhigeysa mid aad loo daneynayo doorkii samadoonnimo, taas oo ka duwan sida Ra`iisul wasaarahiisa loo arko.
Dhuusamareeb ama Galmudug waa in ay Madaxweyne Farmaajo muujisaa doorkiisa madaxweynimo oo bulshada iyo noloshooda saamayn ku yeesho hogaankiisa. Ummadda Soomaaliyeed waxa ay doonayaan in ay Madaxweynahooda ku caawiyaan inuu dhiso maamul sal adag oo aan cidi ka maqneyn, sidaas darteedna waa in uu dadka kala shaqeeya rumeynta riyadaas.
In Madaxweynuhu uu si madaxnimo ah u dhaqmo waa mid wanaagsan oo noo fudud maxaa yeelay isaga ayaa la doortay. Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale heystaa taageeradda shacabka iyo taageeraha iyo qadarinta beesha caalamka. Waxa kaliya ee uu u baahan yahay ayaa ah in uu ka soo baxo xarunta Villa Soomaaliya oo uu dadka dhex galo, la hadlo, dowladdiisana uu la xisaabtamo.
In guul laga gaaro hadafyada kala ah dib-u- dhiska dalka, amniga, iyo deynta cafiska Soomaaliya waxay u baahan tahay Madaxweyne soo jeeda oo u dhaqma sida Madaxweyne oo kale kaas oo markasta ku jira qalbiyada iyo maskaxda dadkiisa iyo beesha caalamka.