Muqdisho (UM) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ugu baaqay beesha caalamku inay door firfircoon ku yeelato nabad barriga dhexe ka hana qaada.
Madaxweyne Farmaajo oo qudbad ka jeediyey shirkii dalalka ku bahoobay Ururka iskaashiga Islaamka ee magaalada Istanbul ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in beesha caalamku ay si wada jir ah u raadiso nabada barriga dhexe.
” Haddaan nahay beesha caalamka waa innaan laba jibaarnaa dadaalada nabadda bariga dhexe,waxaa jira caqabado lakin fursado weyn ayaa jira” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Dawladda Mareykanka ayuu madaxweyne Farmaajo ku booriyey inay sii wado dadaalkeedi geedi socodka nabadda ee Falastiin iyo Isra’iil si labada dowladood xalka u gaaran.
Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay arrinta Qudus ka taagantahay halka ay ka jogaan dalalka ku bahoobay ay Ururka Iskaashiga Islaamka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dalkiisu u dagaal kula jiro kooxaha xag jiriinta kana guuleystay,waxaana uu caalamka uga digay in aan fursad la siin kooxahaas qaswadayaasha ah.