Muqdisho – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ayaa u dhoofay magaalada New York ee dalka Mareykanka halkaasi oo uga qeybgalayo kalfadhiga loo dhan yahay 74 aad ee Golaha Qaramada Midoobay.
Madaxweynaha ayaa kalmad ka jeedin doono madashan kulminaysa Hoggaamiyeyaasha Caalamka, iyada oo meertada 74-aad ee Qaramada Midoobey lagu sumaday “Dib-u- xoojinta dadaallada wada-jirka ah ee lagu dabar gooynayo saboolnimada, baahinta waxbrasho tayo leh iyo ka hortagga dhibaatooyinka isbaddelka cimilada.”
Wafdiga dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka qeyb galaya howlaha meertadan ayaa kulammo doceedyo lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga la qaadan doona dhiggooda dalalka Caalamka ee ka soo qeyb galaya shirweynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.
Ajandeyaasha ugu waaweyn ee Hoggaamiyeyaasha Caalamku ay kaga arrinsan doonaan Meertada 74-aad ee Golaha Qaramada Midoobey ayaa waxaa safka hore kaga jira xoojinta fursadaha shaqo iyo siyaasadeed ee dhallinyarada, xal u helista colaadaha iyo khilaafaadka caalamiga ah, kobcinta dhaqaalaha, ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo mideynta dadaallada lagu wajahyo argagixisada.
Madaxweynaha waxaa safarka ku weheliyey Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade).