
Muqdisho (UM) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa u Hambalyey Madaxweynaha la doortay ee dalka Liberia George Weah.
Madaxweyne Farmaajo ayaa war qoraal ah oo uu dhigay bartiisa Twitterka ayuu ugu hambalyeeyey Madaxweynaha la doortay ee Liberia, isagoo sheegay in Soomaaliya ay rajaynayso in ay xiriir dhaw iyo wadashayn la yeelato dalkiisa.
Congratulations president-elect @GeorgeWeahOff. #Somalia wishes you success in your endeavors. We look forward to close cooperation and partnership. #Liberia
— Villa Somalia (@TheVillaSomalia) December 29, 2017
George Weah ciyaarahankii kubbadda cagta ayaa loo doortay in uu noqdo madaxweynaha waddanka Liberia, kaddib markii uu doorasho kaga adkaaday madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Liberia Joseph Boakai.
George Weah ayaa doorasho kala reebto ah waxa uu helay codad gaaraya 61.5 dhammaan codadkii la dhiibtay, halka madaxweyne ku xigeenki hore Mr. Joseph uu helay codad gaaraya 38.5 boqolkiiba taas oo Weah u suuragalisay in uu badallo madaxweynaha hadda talada heysa Ellen Johnson Sirleaf.
Waddanka Liberia ayaa waxa uu ka soo kabanayaa dagaalo sokeeye , iyada oo markii ugu horreysay taariikhda Afrika loo doortay haweeney in ay Hugaamiso.
Ciyaarahanka , madaxweynimada loo doortay ayaa horay ugu soo ciyaaray kooxo ay ka mid yihiin Ac Millan, Chelsea iyo Paris saint German.