Madaxweyne Farmaajo oo u dhoofay dalka Itoobiya

777

Muqdisho (UM) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka ka dhoofaya Garoonka Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho, isagoo kusii jeedaa magaalada Addis Ababba ee dalka Itoobiya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa filayaa inuu wada hadallo la yeelasho isla maanta Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, waxayna kulankooda ku lafo-guri doonaan xoojinta xiriirka labada dil iyo guud ahaan horumarka iyo nabadgalyada gobolka.

Safarka madaxweyne Farmaajo ayaa imaanaya iyadoo maanta la filayo inuu dalka ku soo laabto Ra’iisul Wasaare Kheyre oo maalmahaan dalka ka maqnaa.