Muqdisho, Sebteember 8, 2018: Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir wadatashi ah ugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada.
Shirkaas oo ka dhici doona magaalada Muqdisho 17ka ilaa 18ka Sebteembar, 2018 ayay dowladda Soomaaliya sheegtay in looga wada-tashan doonaa dardargelinta hawlaha muhiimka ah ee horyaalla Golaha Amniga Qaranka.
Warka ka soo baxay dowladda ayaa intaa ku daray in qodobbada looga hadli doono shirka ay kamid yihiin arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha Al Shabaab iyo Daacish, hirgelinka siyaasadda loo dhanyahay iyo ka shaqeynta arrimaha horumarinta dhaqaalaha, si dalka loo gaarsiiyo isku filnaasho iyo horumar waara ayaa lagu yiri qoraalka ay dowladu soo saartay.
Sidoo kale, waxaa qoraalka lagu xusay in shirka looga arrinsan doonaa arrimo muhiim u ah hannaanka dowladnimada Soomaaliya oo ku jirta marxalad soo kabasho ah.
Waxa lagu soo gabagabeeyay baaqa ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay adkeynayaan xal u helista arrimaha masiiriga ah ee dalka ay tahay mid u taalla Soomaalida, iyada oo loo marayo hab ku saleysan wadatashi, isu tanaasul iyo ilaalinta danta guud oo ah waajib saaran dhammaan madaxda qaranka, heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.