Madaxweyne Farmaajo oo shir ku casuumay madaxda dowlad Goboleedyada iyo G/ Banaadir

159
Madaxweyne Farmaajo oo shir ku Martiqaaday madaxda dowlad Goboleedyada iyo G/ Banaadir. Sawirka/ Villa Somalia

Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku casuumay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir in ay kasoo qeyb galaan Shirka Golaha Amniga Qaranka ee JFS oo ka dhici doona magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa la shaaciyay in dhici doono inta u dhaxeysa 5-8 bisha Luulyo, 2020 ayaa ajandihiisu yahay sidii wadatashiyo ballaaran looga yeelan lahaa doorashooyinka dalka, arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argixisada, dhammeystirka dib u eegista dastuurka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) waxa ay adkaynaysaa muhiimadda shirkan, maadaama uu dhammeystir u yahay guulaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee ay wadajirka u xaqiijiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, waxa uuna shirku jihaynayaa geeddi socodka dimuqraadiyeed ee dalkeenna.

Toddobaadkaan horeentiisii ayaa Madaxweyne Farmaajo aalada maqalka iyo muqaalka ee Internet-ka waxa uu shir horudhac ah kula yeeshay madaxda dowlad Goboleedyada dalka.

SHARE