Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay Sharciga Duulista Rayidka

584

Muqdisho – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay Sharciga Duulista Rayidka oo ay hore usoo ansixiyeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, Golaha Xukuumadda, Xildhibaannada iyo dhammaan khubaradii Soomaaliyeed ee qaybta ka qaatay uga mahadceliyey dadaalka ay galiyeen sharcigan dhaxal reebka ah.

Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa u magacaabay Maareeyaha Guud ee Hey’adda Duulista Rayidka Axmed Macalin Xasan.