Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay Sharciga Doorashooyinka ee heer Federaal

132

Muqdisho (UM) – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo xalay ka qeybgalay munaasabadda xiritaanka kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u saxiixay Sharciga Doorashooyinka Qaranka ee heer Federaal oo ay dhawaan ansixyeen labada Aqa ee Baarlamaanka.

Madaxweynaha oo ka qaybgalayay xaflad lagu soo xirayay kalfadhiga lixaad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa saxiixay Sharciga Doorashooyinka oo in muddo ah horyaallay.

Munaasabada uu ka saxiixay Sharciga waxaa goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, Guddoomiyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare,xildhibaano, wasiiro,maamulka Gobolka Banaadir iyo qaybaha kala geddisan ee bulshada.

Nuuca ay doorashadu noqojeyso ayaa in muddo ah waxaa ka taagnaa dood, waxaana sharciga la meel mariyay inkasta oo ay ka soo horjeedaan saamileyda siyaasadeed ee Soomaaliya qaarkood, uu haddana noqonaya sharcigii ugu horreyay tan iyo burburikii dowladdii dhexe oo dadka kaalin ka siinaya doorashada dhaceysa.

SHARE