Madaxweyne Farmaajo oo New York kula kulmay madaxda dalalka Estonia iyo Ireland

718

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir-doceedyo la yeeshay kula yeeshay magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay Madaxweynaha dalka Estonia Kersti Kaljulaid iyo Ra’iisul Wasaaraha Ireland Leo Varadkar iyaga oo ka wada hadlay yagleelidda iskaashi ku dhisan dan-wadaag iyo wax wadaqabsi.

Dalka Estonia waxa uu ku guuleystay in ay sanadka cusub ku biiro xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka taasoo ay Soomaaliya uga baahantahay taageero diblomaasiyadeed iyo mid horumarineed, halka Jamhuuriyadda Ireland ay tahay xubin firfircoon oo ka tirsan Midowga Yurub oo si xoog leh uga qeyb qaata amniga iyo dib u dhiska Soomaaliya.

Madaxweynaha oo sidoo kale kulan la qaatay Madaxweynaha Bankiga Horumarinta Afrika Akinwumi Adesina ayaa la wadaagay dadaallada ay Soomaaliya ugu jirto barnaamijka dayn-cafinta iyo kaalinta uu Bankiga Horumarinta Afrika ka qaadan karo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha ee Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa magaalada New York uga qeybgalaya kalfadhiga 74aad ee Golaha Qaramada Midoobay oo toddobaadkaan furmay.