Madaxweyne Farmaajo oo Masar uga qayb-gelaya shir looga hadlayo xaaladda dalka Sudan

59
Madaxweyne Farmaajo ayaa booqashadii ugu horresay ku tagaya Talyaaniga tan iyo markii xaafiiska loo dooortay. Sawirka: Villa Somalia

Muqdisho (UM) – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta u amba-baxay dalka Masar, halkaas oo uu ka furmi doono shir deg-deg ah oo ay yeelanayaan Madaxda Midowga Afrika.

Shirkan ayaa lagaga arrinsanayaa xaaladda dalka Suudaan iyo sidii xal waara looga gaari lahaa qalalaasaha siyaasadeed ee ka jira dalkaas.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya oo xusuusan hiilkii iyo garab istaaggii Dowladda iyo shacabka Suudaan ay u galeen walaalahooda Soomaaliya, xilliyadii adkaa, ayaa mudnaanta siinaysa ka qeyb qaadashada dadaallada heer gobol iyo heer qaaradeed ee ku aaddan samata bixinta dalka Suudaan”. Ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay xaafiiska warfaafinta Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kalea filayaa inuu kulamo doceedyo la yeesho madaxda Afrika iyo mas’uuliyiinta dalka Suudaan ee ka qeyb galaya shirkan, isagoo la wadaagi doona mowqifka Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan garab istaagga iyo taageeridda shacabka dalka Suudaan.

SHARE