Kulankaan oo noqonaya midii saddexaad oo ay wada kulmaan dhinacyaddan ayaa waxaa diiradda lagu saaray is-aragooda xaaladda dalka Soomaaliya, gaara ahaan dhinacyadda siyaasadda iyo isbedelada ka socda geeska Afrika.
Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook wuxuu ku sheegay in kulankaan uu guul ku dhammaaday.
“waxaan magaalada Anakara kula kulmay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaan ka wada hadalnay arrimo ku saabsan caqabadaha iyo guulaha Soomaaliya iyo qaabka dowladda Soomaaliya ay u sameyn karto horumaro balaaran, waxaan siiyey talooyinka aan u arko in dalka iyo dadka lagu horumarin karo” ayuu yiri Xasan Sheekh.
Sidoo kale, fahfaahino ka soo baxay kulanka ay yesheen Madaxweyne Farmaajo iyo Xasan sheekh ayaa tibaaxaya in labada dhinac ay ka wadahadleen sidii looga wada shaqeyn lahaa horumarinta danaha dalka.
Farmaajo ayaa u tagay Magaaladda Ankara ee dalka Turkiga ka qaybgalka shir-waynaha Xisbiga taladda haya ee dalkaasi kaasi oo loo yaqaan AK Party, waxaana uu kamid ahaa Madaxwaynaha Soomaaliya marti sharaf kala duwan oo lagu casuumay.
Dalka Jabuuti ayuu Madaxwanaha kasoo kicitamay halkaasoo uu kula soo kulmay dhigiisa Ismaaciil Cumar Geelle oo ay kawada hadleen iskaashiga iyo adkeynta xiriirka labadda dal.