Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Guddoomiyeyaasha Maxkamadda G/Banaadir iyo Racfaanka

73
Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Guddoomiyeyaasha Maxkamadda G/Banaadir iyo Maxkamadda Racfaanka. Sawirka: Villa Somalia

Muqdisho – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xilalkii ka qaaday Guddoomiyeyaasha Maxkamadda Gobolka Banaadir Muuse Macallin Maxamed iyo Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir Abshir Cumar Cabdullahi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir waxa uu u magacaabay Garyaqaan Cabdikhadar Maxamed Xasan oo ku takhasusay Shareecada iyo Qaanuunka. Isagoo xilkaas ka qaaday Garyaqaan Muuse Macalin Maxamed oo soo hayey tan iyo Luuliyo 2018-kii.

Sidoo kale, Garyaqaan Maxamed Axmed Cismaan ayaa Madaxweyne Farmaajo u magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir, iayadoo Xilkan uu horey u hayey Garyaqaan Abshir Cumar Cabullaahi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u magacaabay Guddoomiyeyaasha Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir kaddib soojeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed, sida lagu xusay wareegtada ka soo baxday xaafiiska Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeeyey Guddoomiyeyaasha uu magacaabay in ay dhawraan sarraynta sharciga, si simanna ugu adeegaan bulshada Soomaaliyeed.

SHARE