Muqdisho – Madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto ku magacaabay Guddi qaabilsan Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland.
Guddigaan maanta la shaaciyay ayaa ka shaqayn doono hannaanka wadahadlada dowladda Federaalka iyo Somaliland.
Madaxwayne Farmaajo ayaa u magacaabay Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Guddoomiyaha Guddigan, halka Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) uu u magacaabay Guddoomiye Ku Xigeenka, xubanaha kale ee Guddiga ayaa ah:
1. Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi (Baadiyow).
2. Dr.Cali Siciid Fiqi.
3. Sarreeye Guuto Axmed Jaamac Muuse.
4. Xildhibaan Cali Axmed Jaamac (Jangeli).
Guddigan ayaa Madaxweynuhu waxa uu u magacaabay in xal waara oo miro dhal ah laga gaaro tabashooyinka Soomaaliland, loona xaqiijiyo mabaadi’da dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku dhisan talo wadaagga, wadaniyadda, cadaaladda, wadajirka iyo isku duubnida.
Sidoo kale, Xeerka uu soo saaray Madaxweyne Farmaajo ayaa qeexaya shaqada iyo waajibaadka Guddigaan kuwaas oo ah:
1. In ay hoggaamiyaan, kuna metalaan Dowladda Federaalka wadahadallada Soomaaliland.
2. In ay diyaariyaan cilmi-baaris tafaftiran oo ku saabsan dhinacyada sharciga, siyaasadda, taariikhda, dhaqan-dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee ku aaddan wadahadalladan.
3. In ay talo bixin joogta ah ka siiyaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya geeddi socodka wadahadalladan.
4. In ay diyaariyaan tubta wadahadallada.
5. Guddiga waxa ay dhammeystiranayaan hannaankooda qaab dhismeed, iyaga oo awood u leh in ay qortaan khuburo iyo lataliyeyaal.
Guddigaan la magaacabay ayaa imaanaya iyadoo aysan qabasoomin geedi socodka wadahadlada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland tan iyo markii xaafiiska loo doortay madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.