Madaxweyne Farmaajo oo maanta tagaya Dhuusamareeb

638
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Sawirka/ Villa Somalia

Muqdisho – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu galabta gaaro magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug si uu halkaasi uga qeybgalo shir ay yeelanayaan Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.

Waxaa magaalada Dhuusamareeb ka socda qabanqaabada soo dhawaynta Madaxweyne Farmaajo oo la filayo maanta galinka dambe inuu tago Dhuusamareeb.

Shirka Madaxda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ayaa lagu gorfeyn doonaa wadashaqeynta labada heer ee Dowladda iyo doorashooyinka Qaran.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa sidoo kale ku sugan magalada Dhuusamareeba oo uu dhawr maalmood ka hor gaaray. Waxaa sidoo kale Dhuusamareeb ku sugan inta badan Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka sida Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Jubbaland.

Waxaa magaalada Dhuusamareeb dhawaan lagu soo gabagabeeyay shir watashi oo labo maalin u socday Madaxda dowlad Goboleedyada kaasi oo looga hadlayay arrimaha Doorashooyinka Qaranka iyo wada-shaqaynta dowladda Federaalka iyo dowladaha Xubnaha ka ah.

Shirka ayaa laga soo saaray qoddobo ay ka mid yihiin in aysan dalka ka qabsoomi karin doorasho qof iyo cod ah oo ku dhacda waqtigii loogu tala galay iyo in Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada ay shir looga arrinsanayo arrimaha Doorashooyinka Qaranka ku yeesheen magaalada Dhuusamareeb.