Madaxweyne Farmaajo oo maanta tagaya Dhuusamareeb

368

Muqdisho – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa filayaa in ay galabta u safraan magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug si uu halkaasi uga qeybgalo shirka Dhuusamareeb 3 ee Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.

Afhayeenka Madaxtooyadda Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed oo qoraal soo dhigay boggiisa Facebook ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo maanta u safari doono magaalada Dhuusamareeb u hoggaamiyo wareegga labaad ee Shirka Wadatashiga Dhuusamareeb.

“Iyada oo la tixraacayo dadaallada socda ee la xiriira dowlad-dhisidda iyo sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta ka dhaxeysa DFS iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah, horena loogu sii dhaqaajin lahaa wada hadalladii socday, ayuu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u safri doonaa berri magaalada Dhuusamareeb si uu u hoggaamiyo wareegga labaad ee Shirka Wadatashiga”. Ayuu yiri Afhayeenku.

Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta inta uusan bixin hadal u jeedin doono Xildhibaannada Golaha Shacabka sida lagu sheegay farriin xalay loo diray Xildhibaannada Baarlamaanka. Macada waxa uu Madaxweynuhu ka hor sheegi doono Baarlamaanka balse waxaa la daadaalinayaa inuu ka hadli doono arrimaha Doorashooyinka iyo qabsoomidooda.

Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ayaa qoraal ay soo saareen ku booriyey madaxda Dowladda Federaalka iyo dowladaha Xubnaha ka ah in ay ka qeybgalaan Shirka Wadatashiga Dhuusamareeb si go’aan looga gaaro arrimaha Doorashooyinka Qaranka.

Waxaa garoonka diyaaraha ee magaalada Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre, Madaxda dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug, iyo sidoo Wasiiradda, xildhibaannada Galmudug iyo bulshada magaalada Dhuusamareeb.

Shirka Madaxda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ayaa lagu gorfeyn doonaa wadashaqeynta labada heer ee Dowladda iyo doorashooyinka Qaran.

SHARE