Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane, Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa lagu wadaa inuu Berrito oo jimaca ah u ambabaxo Magaalada Gondar, Gobolka Baxar-daar ee Dalka Itoobiya sida uu bartiisa Twitter ka ku shaaciyey agaasimaha Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta, Madaxtooyada Soomaaliya, Cabdinur Maxamed Axmed.
President Farmajo will travel tomorrow to Gonder, Bahr Dar to attend a tripartite meeting with Ethiopian PM Abiy Ahmed and Eritrean President Isaias Afwerki. This meeting is to cement the outcome of the Horn of Africa economic integration agreement signed in Asmara 2 months ago.
— Abdinur Mohamed (@SherifAbdinur) November 8, 2018
Madaxweynaha ayaa halkaasi kaga qayb geli doona Shir Saddex geesood ah oo uu halkaasi kula yeelanayo Ra’aysul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Eretrea Isaias Afwerki,
Kulankan ayaa waxa uu isku xirayaa natiijooyinkii kasoo baxay heshiiska Shirkii is-dhex galka dhaqaalaha ee ay Waddamada Gobolka ku yeesheen Magaalada Asmara ee Dalka Eritreeya laba bil ka hor.