Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan-doceed la qaatay Madaxweynaha dalka UgandaYoweri Museveni.
Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadlay xiriirka laba geesoodka ah ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda, iyada oo ay madaxdu isku raaceen adkeynta xiriirka qotada dheer ee ku dhisan iskaashi iyo wax wadaqabsi.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay Dhiggiisa dalkaas Madaxweyne Yoweri Museveni guusha uu ka gaaray doorashooyinkii ka dhacay dalkan, isaga oo u rajeeyey horumar iyo barwaaqo Shacabka iyo dawladda Uganda.
Waxaa berri ka dhacaya magaalada Kampala caleemo saarka Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo dhawaan markii 6-aad loo doortay Madaxweynaha Uganda.