Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Wasiiradda arrimaha dibadda Ereteriya iyo Itoobiya

862

Muqdisho (UM) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta xaafiiskiisa madaxtooyada kula kulmay wasiirrada arimaha dibadda ee dalalka Ereteriya iyo Itoobiya Osman Saleh iyo Workneh Gebeyehu oo maanta magaalada Muqdisho soo gaaray.

Wafdiga ay hoggaaminayaan Wasiiradda arrimaha dibadda Ereteriya iyo Itoobiya ayaa maanta markii ay ka soo degeen magaalada Muqdisho waxa ay kulan kula yesheen Ra’iisul Xasan Cali kheyre oo uu wehliya wasiirka arrimaha dibadda.

Kulanka kaddib ayaa Wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Ereteriya iyo Itoobiya shir jaraa’id wadajir u qabteen kaasi oo ay uga hadlee qodobada ay ka wadahaleen.
Wasiirada ayaa sheegay in u jeedka safarkooda uu yahay xoojinta iyo adkeynta xiriirka iyo washaqaynta heerka goebel ah ee ka ka dhexeysa Soomaaliya, Ereteriya iyo Itoobiya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa labad safar ku tagay dalka Eriteriya halkaasi oo kula kulmay hoggaamiyaasha Eriteriya iyo Itoobiya.