Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay wafdi uu hoggaaminayay wasiirka arrimaha gudaha Kenya

535

Muqdisho – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan kula yeeshay Aqalka Madaxtooyada Soomaaliya wasiirka arrimaha gudaha dalka Kenya Fred Matiag’i oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Wasiirka arrimaha gudaha Kenya ka guddoomay dhambaal uu uga siday Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay wafdiga Dowladda Kenya ee soo gaaray Muqdisho muhiimadda ay leedahay ka miro-dhalinta dadaallada lagu wajahayo caqabadaha amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee ay wadajirka u wajahayaan labada dal, isagoona rajeeyey in dhambalkan iyo wadahadallada labada dal ay dhabbaha u xaaraan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya Fred Matiang’i ayaa Madaxweynaha soo gaarsiiyey salaan uu uga siday Madaxweyne Uhuru Kenyatta, isaga oo muujiyey dareen qaddarin iyo tixgelin ku dheehan tahay oo dalkiisu ay u hayaan shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

Dhambaalkan uu guddoomay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa salka ku haya sidii loo sii amba-qaadi lahaa, loona horumarin lahaa hannaanka iskaashi ee labada dowladood iyo isweydaarsiga aragtida guud ee xiriirka labo geesoodka ah, iyada oo la xaqiijinayo xasilloonida iyo danaha wadajirka ah ee heer Gobol.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale ajiibay marti qaad rasmi ah oo uu fidiyey Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, kaas oo ay soo gaarsiyeen wafdigan soo gaaray Muqdisho.

SHARE