Muqdisho – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay casho sharaf u sameeyey Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed iyo Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo soo gaaray Caasimadda, iyadoo ay ka soo qeyb galeen Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed.
Madaxweynaha iyo masuuliyiintan heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ayaa iska xog wareystay xaaladda guud ee dalka, amniga iyo in wadajir loogu sii amba-qaado dadaallada dib u dhiska dalka, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xoreynta deegaannada ay Al-shabaab haystaan.
Waxa ay sidoo kale ka hadleen wadashaqeynta masuuliyiinta heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed iyo ilaalinta danta guud ay u leedahay xaqiijinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed ee ku hamminaya dib u soo celinta maqaamkii dalku uu ka lahaa caalamka.