Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Aduunka ee Afrika

61

Muqdisho – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan soo dhaweyn ah la qaatay Madax ka socotay Bangiga Adduunka oo dalka u yimid dhammeystirka hannaanka deyn cafinta Soomaaliya oo haatan gabo-gabo maraya.

Kulankan oo ay qeyb ka ahayd qado sharafeed Madaxweynuhu uu u fidiyey Madaxda ka socotay Bankiga Adduunka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Xasan Cali Khayre, Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan iyo Agaasimaha Madaxtooyada Dr.Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade).

Dhanka Bangiga Adduunka waxaa ka soo qeyb galay Madaxweyne Kuxigeenka Bangiga Adduunka ee Arrimaha Afrika Hafez Ghanem, Agaasime-Goboleedka Afrika ee Heyadda Caalamiga ah ee Maal-gelinta Dhaqaalaha Jumake Jagun-Doknmu, Agaasimaha Howl-gelinta Bangiga Adduunka ee Kooxda Afrika Anne Kabagambe, Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Puteri Watson.

Wafdigaan uu hoggaaminayay madaxweyne ku xigeenka Bangiga Aduunka ee Afrika Hafez Chanem ayaa booqashii ugu horreysay ku yimid magaalada Muqdisho si ay ugu guur galaan horumarka dhanka dhaqaalaha iyo dib u habaybta lagu sameeyay Hey’addaha Maaliyadeed ee dowladda.

 

SHARE