Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay jaaliyada Soomaaliyeed ee Talyaaniga

716

Rome, Italty – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo Farmaajo ayaa ka qeyb galay kulan soo dhaweyn ah oo ay u sameeyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Talyaaniga. Kulanka oo ay hadallo ka jeediyeen xubno ka mid ah Jaaliyadda ayay uga hadleen sida ay ugu han weyn yihiin dadaallada horu socodka ah ee ay haatan ku tallaabsanayso Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha oo khudbad u jeediyay Jaaliyadda ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin isbeddelada ka socda Gobolka Geeska Afrika ee ku dhisan iskaashi, isdhexgal dhaqaale, is-ixtiraam iyo wax wada qabsi.

Madaxweynaha ayaa, sidoo kale, Jaaliyadda uga xog warramay Barnaamijka Isxilqaan ee sida mutadacnimada ah dib loogu dhisayo dhismayaashii danta guud, wuxuuna ku boorriyay inay gacan ka geystaan tageerada barnaamijkan lagu soo nooleynayo astaamihii Qaranka Soomaaliyeed.

Gebogabadii kulanka, Madaxweynaha ayaa Jaaliyadda kula dardaarmay in ay xoojiyaan midnimada dhexdooda ah, ayna kala shaqeyaan dowladda hirgelinta dadaallada ay waddo ee dib loogu soo celinayo sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa la filayaa in ay berri dalka dib ugu soo laabtaan kaddib booqasho labo maalmood ah uu ku tagay dalka Talyaaniga.