Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay ergayga gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika

109

Muqdisho – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan dalalka Geeska Afrika Alexander George Rondos.

Madaxweynaha ayaa ergeyga gaar ah ee Midowga Yurub oo uu weheliyo Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Mudane Nicolas Berlanga ayaa ka wadahadlay taageerada Midowga Yurub ka gaysto dhisida Hey’adda dowladda sida dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo garsoorka.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xoojinta taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, deyn cafinta, iyo dib u habaynta garsoorka dalka.

Madaxweyne Farmaajo iyo Danjire Rondos ayaa sidoo kale iska xog-wareystay xaaladda Gobolka iyo dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga ku aaddan arrimaha amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha ee u dhexeeya dalalka Geeska.

Waxa kale oo ay ka wadahadleen arrimo ay ka mid yihiin taageerada Midowga Yurub ee ay dowladda Federaalka Soomaaliya ka siiso dhanka hannaanka deyn cafiska iyo Maaliyadda.

9

SHARE