Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay dhiggiisa dalka South Sudan

800

Muqdisho (UM) – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay kaddib markii uu ka qeyb galay munaasabad ka dhacday Jubba oo lagu dhammeystirayay heshiiskii ay gaareen dhinacyada dalka South Sudan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uusan kasoo ambabixin magalaada Jubba ee caasimadda ee dalka South Sudan, ayaa kulan gaar ah la qaatay dhiggiisa dalkaas madaxweyne Salva Kiir Mayardit.

Madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyne Salva Kiir ayaa ka wadqhadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo in dhidibada loo adkeeyo nabadgalyada guud Gobolka oo ah mid isku tolan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xalay sidoo kale kulan la qaatay ganacsatada iyo jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalka South Sudan.

SHARE