Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay dhiggiisa dalka Jabuuti

350

Jabuuti – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan kula yeeshay magaalada Jabuuti dhiggiisa Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada hoggaamiye ayaa maanta magaalada Jabuuti ku yeeshay wadahadallo miradhal ah oo ku aaddan sare u qaadidda xiriirka xooggan ee labada dal.

Madaxweyne Geelle iyo madaxweyne Farmaajo isku afgartay in ka dardargeliyo iskaashiga labada dal oo ah mid ku dhisan walaaltinnimo iyo wax wada qabsi, sida lagu xusay war qoraal ah oo ay baahisay Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dalka Jabuuti ku joogo booqasho laba maalin ah halkaasi oo uu shalay gaaray.

SHARE